Shirka Wadatashiga Dastuurka Federaalka Oo Garoowe Lagu Qabtay

0
533

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caasimadda Garoowe ku qabatay kulan wadatashi  oo looga hadlaya dastuurka qabyada ah ee  federaalka

shirkan oo ka dhacay Xarunta PDRC  waxaa ka qaybgalay Wasiirka Dastuurka federaalka Cabdi Xoosh Jibriil, Wasiirka Dastuurka Puntland Cali ciise Oog, Guddoomiye K/xigeenka Barlamaanka, ururada bulshadda rayidka, sharci-yaqaano, culuma’udiin, haween iyo qayb kale ee bulshadda

Wasiirka dastuurka federaalka oo khudbad dheer ka jeediyay shirka, wuxuu ka  sheekeeyay maraxaladihii kala duwanaa ee u soo maray dastuurka iyo qorshaha dowladda ee dhamaystirka dastuurka.

“Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo wafdiga ila socdo ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland inaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawlad Goboleedyada” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wuxuu sheegay in dhowaan ay magaaladda muqdisho ku qaban doonaan shirweyne ballaaran oo ay ka soo qaybgali doonaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliya, waxaa kaloo uu xusay in labo sanno gudahood ay wasaaraddu ku dhamaystiri doonto dastuurka federaalka.

Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda.

Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada ee dalka.

warsom2011@gmail.com