Saturday, August 15, 2026
Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa laashay siddeed ka mid ah kuraasta aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya, waxayna amartay in dib loogu noqdo doorashaadooda. Warqad ka soo baxday maxkamadda oo ku taariiikheysan 16-ka bishan May ayeey maxkamaddu ku sheegtay in kadib dacwo socotay in ka badan 5 bilood ay baabi’isay go’aankii...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday, kadib maalmo uu booqasho ku joogay qaar kamid ah wadamadda Khaliijka iyo Jabuuti. Farmaajo ayaa intii uu joogay dalka Sacuudiga waxaa uu ka qeyb-galay shirkii Madaxweynaha dalka Maraykanka Trump iyo hogaamiyaasha Islaamka, waxaana markii uu...
Wasiirka Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka xukuumadda Soomaaliya Maryan Qaasim, ayaa maanta oo jimca ah daahfurtay mashruuc cusub oo la doonayo in lagu afuriyo 1.1 million oo Soomaali oo ku nool gudaha dalka Soomaaliya. Wasiiradda ayaa sheegtay in howsha inteeda badan laga fulin doono goobaha ay saameyeen abaaraha ee gudaha dalka...
Dalka Yemen waxaa shalay oo khamiis aheyd lagu aasay Allaha unaxariistee meydadka 31 qof oo muwaadiniin Soomaaliyeed ahaa oo lagu duqeyay doon ay saarnaayeen 17 Marso 2017. Diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga uu hogaaminayo Sacuudiga ayaa soomaalidaasi ku dilay dalka Yemen, kadib duqeyn ka dhacday dalkaasi. Qunsulka Soomaaliya ee magaalladda Cadan Mudane...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Boqorka dalka Qadar Emir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, ayaa kulan guul iyo mira dhal kusoo dhamaaday ku yeeshay magaalladda Doha ee caasimada dalka Qadar, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda dalka Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman...
            Koox Bastoolado ku hubeysan ayaa xalay xaafadda Banaadir ee degmada Hodan ku dilay haweeney ganacsata ah, sida Police-ka ay sheegeen. Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xaawo Cilmi Yuusuf, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay ka hor inta ciidamada Police-ka aysan soo gaarin. Ma jirto cid sheegatay dilka marxuumada...
Kulan ay maanta isugu yimaadeen golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubaland oo uu shir gudoominayay Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa lagu eedeeyay wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya in ay ku xadgudubtay heshiis wadajir ah oo ay wada sixiixeen wasaaradda beeraha dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda...
Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ku-xigeenkiisa oo wehliyaan xubno ka tirsan gollaha wasiirada ayaa maanta daah furay olalaha nadaafada caasimada Muqdisho. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, ku-xigeenkiisa Mahdi Guuleed, wasiiro iyo Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay ololaha nadaafada oo sidoo kale ay ka qyebgalleen dad...
Dowladda Mareykanka ayaa maanta waxaa ay ku dhawaaqday 329 million oo dollar in ay uga qeyb qaadaneyso abaaraha wadaada South Sudan, Nigeria, Soomalia iyo Yemen. Xukuumada Washington ayaa sheegtay in afartan waddan ka jiraann Abaaro, aad u daran loona baahan yahay in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro. Dadka ay...
Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Ambassador Olgan Bekar ayaa sheegay Dowladda Turkiga in ay ka qeyb qaadaneyso Mashaariicda Hormarineed ee Soomaaliya dib u dhiska ciidamada iyo Hormarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha. Safiirka oo wareysi siinayay Daily Sabah ayaa sheegay Turkiga in uu ka go’an yahay in uu sii wado taageerada iyo garab istaaga uu...