Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacdey magaalada Gaalkacyo taas oo ahayd tababar loo furaayo iskudhafka ciidamada amniga ee Gaalkacyo ee ka kala socda Galmudug iyo Puntland.
Xafladda furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Camey, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Wasiiro ka socda labada maamul, saraakiil iyo madax ka socotey hay’adaha taageera labada maamul.
Ciidamada isku dhafka ah ee ka wada shaqeyn doona amniga Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda ayaa lagu heshiiyey shir labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen Gaalacyo.
Ciidamada isku dhafka ah ee tbabarka loo furey ayaa gaaraya 50 askeri oo labada maamul midkastaa lee yahay 25 askeri, dhaqaalaha ku baxaya waxaa bixinaya xafiiska UNSOM.
Gobolka Mudug ayaa u qaybsan laba maamul, magaalada Gaalkacyo waxaa qayb kamid ah deggan maamulka Galmudug, waxaa Gaalkacyo ka dhacay dagaalo aad u culus sanadkii 2016 iyo 2015.
Inkasta oo heshiiskii Cadaado kadib dilal badan ka dhaceen Gaalkacyo, ayaa la is weydiinayaa sida ciidamada la isku dhafey ay u hanan karaan amniga, isuna aamini karaan iyada oo aan la garin dib u heshisiin rasmi ah.
warsom2011@gmail.com









