Iyadoo waayadii ugu danbeeyay Al-shabaab kordhiyeen weerarada iyo qaraxyada lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay dadku ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arinta ka hadashay xukuumada Soomaaliya.
Xukuumadda ayaa sheegtay in dowladda ku howlan tahay qorshayaal lagu xoojinayo amniga Muqdisho islamarkaana la doonayo in looga hortago weerarada ay ku bartilmaameesadaan...
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo kormeeray maalintii shalay dhabbaha ay ka duulaan diyaaradaha ee garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiliyada habeenkii uu shaqeyn doono garoonka.
Nalalka iftiimiya dhabaha ay diyaaradaha ka haadaan ee garoonka ayaa waxaa todobaadkan lagu wareejiyay wasaaradda Gaadiidka, cirka iyo dhulka, kaddib markii...
Dagaal xooggan oo u dhexeeyay Al Shabaab iyo ciidanka dowladda oo shalay ka dhacay degaanno hoos yimaada gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxaa kasoo baxaya faafaafino kala duwan.
Dhinacyadii dagaalamay ayaa la sheegay in khasaaraha ugu badan uu soo gaaray.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu yaraan 8 kamid ah dadkii dagaalamay...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay nin lagu eedeyay in uu dilay Taliyihii Nabad sugidda Gobolka Shabeellaha Dhexe C/wali Ibraahim Maxamed.
Ninka Maxkamadda ay maanta toogatay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xuseen Maxamuud.
Eedeysanaha ayaa lagu toogtay Iskool buluusiya, waxaana goob-joog ka ahaa...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in qarax miino lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada booliiska.
Gaar ahaan wararka ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay degmada Liboya iyo tuulada kulan ee xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Marka laga soo tago khasaaraha dhimashada...
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada dalka Itoobiya Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa noqonaya ninkii u horeeyay ee u dhashay Africa ee loo doorto madaxa hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO, kadib markii uu helay codadka 185 dowladood.
Tedros, oo u dhashay Ethiopia ayaa badali doona Margaret Chan oo soo heysay xilkaan tan...
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al shabaab ka bilaabay deegaanno ka tirsan Gobalka Bakool.
Sargaal ka tirsan guutada 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo ku sugan Gobalka Bakool ayaa sheegay in ujeeda howlgallada ay yihiin sidii la isugu furi lahaa deegaannadda koonfur galbeed ee Soomaaliya.
“Ciidamada Xoogga Dalka...
Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in Al shabaab ay qafaasheen ilaa 25 qof kadib, weerar habeen hore ay kusoo qaadeen deegaan u dhexeeya Afgooye iyo Marka.
Sidoo kale wararka ka imanaya deegaanka Number 50 ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay dileen hal qof ayna tira kale dhaawaceen.
“Habeen hore fiidkii ayaa...
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa booqasho rasmi ah shalay ku tagay dalka Jabuuti.
Madaxweyne Farmaajo, ayaa waxaa qasriga Madaxtooyada kusoo dhoweeyay dhigiisa dalka Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, kadibna waxaa salaam sharaf uu ka qaatay Ciidanka jamhuuriga.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ee...
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Jabuuti, isaga oo kulan la qaaday doona dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle
Booqashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid rasmi ah ayaa noqoneysa tii ugu horeysay ee uu ku tago dalka Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka soo...


















