Guddoonka Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada Soomaaliya ayaa kulan la yeeshey Guddiga Doorashada Madaxa banaan ee Qaranka Soomaaliya Iyagoo ka wada hadley Habka Diiwaan gelinta Xisbiyada iyo Sidii Gudiga Doorashooyinka loogu heli lahaa DHaqaale ay ku shaqeeyaan Guddiga iyo Xafiisyada hoos taga gudiga.
Ugu Horeyntii waxaa warbixin ay ka dhageysteen Madaxda Xisbiyadu Guddiga Doorashada Madaxa banaan ee Qaranka Soomaaliya kuwaasoo ka warbixiyey Safarro ay ku tageen Dalal dibeda ah iyoHalka ay hawluhu u marayaan iyagoo sheegey in aaney Dawladda DHexe ka heyn Dhaqaalihii iyo Miizaaniyadii Guddigu ku shaqeyn lahaa taasoo ah mid ka madax banaan Miizaaniyada Wada jirka ah ee Qaranka Sida ku cad Dastuurka Dalka,dhanka kalena sheegey in ay u dhameystiranyihiin Tababaradii,Xafiisyadii iyo Agabkii kale ee ay Hawsha loo igmadey ku fulin lahaayeen.
Sidoo kale Guddoonka Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegey in ay ku faraxsan yihiin Raalina ka yihiin Shaqada ay hayaan Guddigu ayna ku garab taaganyihiin shaqadooda Hiil iyo Hoobana Siinayaan iyagoo Sheegey in haddii Xukuumaddu isku daydo Cuuryaaminta Xagga dhaqaalaha Guigan aan loo istaagi doonin ayna Qaramada Midoobey iyo Caalamka Gacan weydiisan doonaan.
Ugu Danbeyntiina waxey Madaxda Xisbiyadu sheegeen in hadda wixii ka danbeeya aan laga yeeli doonin cidna xagal daacinta Dimuquraadiyada iyo Amniga oo saldhig u ah Hawlaha laga rabo Xukuumadda Hadda jirta,anagoo ogsoon wax badan oo ay ku haminayaan dad badan oo madaxda Dalka mid ah,iyadoo kulanku kusoo dhamaadey Guul iyo is faham yididiilo leh.
warsom2011@gmail.com








