Raysal Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta kulan la qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha dowladda Soomaaliya ayaa faray ilaalinta waqtiga shaqada dowladda ee shaqaalaha.
Wuxuu sidoo kale faray agaasime walba in laga rabo kormeer joogta ah inuu ku sameeyo howlwadeenada Wasaaradda uu Agaasimaha ka yahay, islamaraakana uu...
Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa maanta dagan, kaddib markii shalay halkaasi uu ka dhacay dagaal khasaare weyn geystay oo dhex maray ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan muddo kororsiga.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo saxaafadda la hadlay, ayaa ku baaqay in nabadda...
Taliska dowladda Mareykanka ee Afrika ayaa war uu soo saaray ku sheegay inuu duqeyn uu ka fuliyay gudaha Soomaaliya ku dilay lix ka tirsan Al-Shabaab, Jimcihii shalay.
Weerarkan ayaa ahaa mid lagu fuliyay codsi uga yimid dowladda Soomaaliya. Marka loo eego qiimeyn horudhac ah oo uu sameeyay AFRICOM, ma jirto...
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay dagaalka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa si adag u sheegay inaan la aqbali karin in waqtigaan la joogo dagaalo sokeeyo iyo kuwa lagu dhibaateynayo shacabka ay dhacaan deegaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh...
Somaliland iyo Maraykanka ayaa yeelanaya iskaashi difaac oo toos ah, kadib markii uu madaxweyne Biden qalinka ku duugay Xeerka Oggolaanshaha Difaaca Qaranka Maraykanka ee loo soo gaabiyo NDAA.
Xeerkan oo uu hore cod gacan taag ah ugu ansixiyay Koongaraska Maraykanku, ayaa faraya in Somaliland iyo Maraykanku ay yeeshaan iskaashi difaac...
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa sheegay, qalalaasaha ka socda magaalada Baydhabo in lagu doonayo sidii loo fashilin lahaa shirka dib u heshiisiinta ee loo madlan yahay horraanta bisha January.
Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda...
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saakay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku boorisay dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xalliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka...
Wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen inuu amar ku bixiyay weerar uu sheegay in lagusoo qaado hoygiisa magaalada Baydhabo.
Maxamed Ibraahim Fargeeti oo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qaadanayo masuuliyadda iyo...
La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay muddo labo sano gudaheed ah kusoo afjarayso Alshabaab.
La taliyaha amniga qaranka oo la hadlayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab ay dowladda ku garab taagan yihiin, dowladaha Maraykanka, Turkiga, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo...
Beesha reer Xaaji Saleebaan ayaa si adag u beenisay bayaan kasoo baxay kooxda Alshabaab, oo lagu sheegay in beesha iyo Alshabaab ay gaareen heshiis nabadeed oo lagusoo afjarayo colaadda dhextaalo labada Dhinac.
Alshabaab ayaa bayaan ay ku daabaceen warbaahinadooda, waxay ku sheegeen in beesha reer Xaaji Saleebaan ay isla gaareen...


















