Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ku eedeeyay dowladda federalka Soomaaliya inay waddo qorshe u eg in dalka mar labaad dib loogu celiyo nidaamka dowlad dhexe.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay labadii qodob ee uu dhawaan diiday inuu saxiixo, inay yihiin qodobo kasoo horjeeda nidaamka federalaynta dalka, islamarkaana u eg kuwo talada...
Mareykanka ayaa ugu deeqay qalab milatari oo ku kacaya 9 milyan oo dollar oo isugu jira hub, gaadiid, agab caafimaad iyo qalab kale oo loogu talagalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Munaasabadda wareejinta qalabkan waxaa ka qeyb galay Safiirka Mareykanka Larry Andre, wasiirka gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka XDS S/Guuto Odowaa Yuusuf...
Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin ayaa beeniyay in Al-shabaab ay dowladda kasoo codsatay wadahadal, waxaana xusid mudan in shalay uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku...
Deegaanka Degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodijeex ee Somaliland, ayaa si rasmi ah looga helay ceel shidaal.
Kadib baadbis cilmiyaysan oo wasaarada macdanta iyo tamartu ku samaysay dareere madow oo kasoo fatay goob laga qodayay ceel biyood bishii Sebtember ee sannadkii hore, ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal rasmi ah.
Hadaba,...
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo wafdi ay hoggaaminayso ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, halkaa oo ay ku soo dhaweysay Wasiirka Gaadiidka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges.
Wasiir Fardowsa iyo wafdiga ay hoggaaminayso ayaa muddada ay ku sugan...
Shir ay saakay isugu yimaadeen cuqaasha iyo waxgaradka beelaha Dhulbahante iyo Fiqishini, shirkaas oo ka dhacay magaalada Laascaanood, ayaa bayaan kasoo baxay lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan magaalada Laascaanood iyo gobolka Sool.
Labada beelood waxay sheegeen inay isugu imaanayaan shirwayne wadatashi ah oo looga tashanayo masiirka iyo...
Waxaa Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku geeriyooday Kabtan Jaamac Ofle oo ahaa duuliye taariikhda galay isagoo noqday kabtankii ugu dambeeyay ee duulimaadkii caalamiga ahaa ee Somali Airlines sanadkii 1991-kii.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Abdusalam Omer oo ay saaxiib dhow ahaayeen kabtanka geeriyooday ayaa bartiisa Twitter-ka...
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay ay ku darsan jireen, taasoo uu sheegay in aysan wax dhib ah lahayn.
Hadalkan ayaa kor u qaaday tuhunka ku aadan in madaxweyne Deni uu qorsheynayo inuu sameysto muddo kororsi, taasoo siyaasiyiinta kasoo horjeeda ay ka...
Wefdigan oo kasoo kicitimay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa Si Diiran loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Lascaanood ee Caasimada Gobolka Sool,iyadoo ay soo dhaweeyeen Mayerka magaalada Madaxda Gobolka Saraakiil iyo Dadweyne Ka kala Socdey Qeybaha Bulshada Degmada.
Ujeedada Wefdiga ayaa ah Sidii Looga wada Hadli Lahaa Xalna Looga Gaadhi Lahaa...
Weerarkii Hotel Rays Askartii Loo Xidh Xidhey oo R/wasaare Xamze Sheegay in Weli Baaritaan ku Socdo.
Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Al-shabaab ka geysatay hotelka Villa Rays oo ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya.
Raysal wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay Telefashinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la xiray askar ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay...


















