Warar hadda naga soo gaaray magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen ciidamo ka socda maamulka Puntland kuwaa oo si weyn u qalabeysan islamarkaana wata hubka nuucyadiisa kala duwan.
Ciidamadan oo Kolonyo ah ayaa la arkay iyagoo magaalada sii galaya islamarkaana isku baahiyay Laba jiho oo la sheegay iney ku howlanyihiin sidii ay magaalada u hareereyn lahaayeen.
Gaadiidka ay ciidamadan wataan ayaa ah bilaa taargo taa oo Puntland ay diideyso in la aqoonsado islamarkaana ay fadeexad ka soo gaarto kadib marki Somaliland ay joojisay duulaanka socday.
Xaaladda Laascaanood ayaa daganeyd Labadan maalin balse wali magaalada ayaa haawaneysa maadama dadkii shacabka ahaa ay isaga barakaceen.












