Xisbiga mucaaradka Somaliland ee KAAH ayaa sheegay in safaaradda Somaliland ee laga furay magaalada Qudus ay ka hor imanayso Dastuurka Somaliland, sharciga caalamiga ah iyo axdiyada Qaramada Midoobay, inkasta oo uu xisbigu taageersan yahay xidhiidhka iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.
Xoghayaha Arrimaha dibadda Xisbiga KAAH, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa sheegay in xisbigiisu uu soo dhoweynayo aqoonsi kasta oo ay Somaliland hesho, isla markaana uu garab taagnaa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Waxa uu xusay in Israa’iil ay ka mid tahay waddamada ay Somaliland doonayso inay la yeelato xidhiidh iyo iskaashi.
“Waxaan taageersannahay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, waxaana soo dhoweynay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland. Hase yeeshee, safaaradda laga furay Qudus waxay ka hor imanaysaa Dastuurka Somaliland, sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay, maadaama safaaradda meel kale laga furan karay,” ayuu yidhi Barkhad.
Xisbiga KAAH ayaa sidoo kale ku eedeeyay xukuumadda inay arrimaha masiiriga ah ee Somaliland ka ilaalisay xisbiyada mucaaradka iyo golayaasha sharci-dejinta, isaga oo sheegay in heshiisyada waaweyn ee dibadda lala gelayo ay tahay in lagala tashado daneeyayaasha siyaasadda.
Xoghayahu waxa uu sheegay in xisbigu marar badan ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland in heshiisyada caalamiga ah iyo go’aannada muhiimka ah laga qaybgeliyo dhammaan dhinacyada siyaasadda, balse ay xukuumaddu qaaday waddo ay keligeed ku go’aansanayso arrimahaas.
Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Somaliland iyo Israa’iil ay dhawaan ku dhawaaqeen inay si rasmi ah isu aqoonsadeen, isla markaana ay Somaliland safaarad ka furatay magaalada Qudus.
Go’aanka safaaradda looga furay Qudus ayaa dhaliyay doodo siyaasadeed iyo sharci, maadaama magaaladaasi ay tahay goob ay ku muransan yihiin Israa’iil iyo Falastiin, halka inta badan beesha caalamku ay u aragto in heerka ugu dambeeya ee magaalada lagu go’aamin doono wadaxaajoodyada nabadda ee labada dhinac.













