Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in la wareegeen saldhigii ciidamada ATMIS ay ku lahaayeem degmada Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose.
Bayaan kasoo baxay ururka Alshabaab ayaa lagu sheegay in kooxda Alshabaab ay dhowr jiho kasoo weerareen Buulomareer ayna u suurto inay dagaal kula wareegaan saldhigga ciidamada ATMIS.
Bayaanka Alshabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dilay ugu yaraan 137 askari, kaddib markii weeraro ku billowday qaraxyo ismiidaamin ah lagu qaaday saldhigga ATMIS.
Dhinaca kale, taliska ciiidanka ATMIS ayaa war kooban kasoo saaray weerarkan, iyagoo xaqiijiyay in la weeraray saldhigoodii degmada Buulomareer.
“Saaka Ciidamada ATMIS ee kusugan Buulo-Mareer ayey soo weerareen Al-Shabaab. Ciidamada ATMIS ayaa Hada qiimeynayo Xaalada Amniga. Warbixintoo faahfaahsan ayaan dhawaan idinla wadaagi doonaan.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ATMIS.












