Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa ku kulmay magaadal Washington DC, si ay uga wada-hadlaan ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarka iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo.
Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladda.
Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimayo.
Waxay isku raaceen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.
Waxay soo dhaweeyeen taageerada jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada ee mustaqbalka.
Dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa isku raacay inay sii wadaan inay ka shaqeeyaan dhinacyadan, islamarkaana ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bil ee soo socota gudahood, si ay usii wadaan wada-hadallada, islamarkaana dib ugu eegaan horumarkii la sameeyey.