War Deg_Deg ah: Gudoomiyaha Gobalka Gedo oo dhaawac kasoo gaaray qarax ismiidaamin ah.

0
382

Weerar Ismiidaan ah ayaa lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya weerarka qaraxa ay ku dhaawacmeen Gudoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed & Abaandulaha qeybta 43aad Labaale.

Weerarkan ayaa loo maleynayaa iney qaadeen kooxda Shabaab kuwaa oo dhowr jeer weeraro ka fuliyay gobalka Gedo.

Dhanka kale laamaha amniga ee Jubbaland wali war kama soo saarin weerarkan.

Kala soco faa-faahinta wararka Warsom ee Soo Socda Insha Allaah.