Ciidamo gurmad u ah xoogaga Daraawiishta SSC-Khaatumo ayaa maanta ku wajahan jiidda dagaalka Laascaanood.
Cutubyadan oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa ku biiri doona ciidamada SSC ee ku sugan difaacyada Laascaanood.
Dhinaca kale waxaa gebi ahaanba burburay waan-waan la doonayay in lagu wada-hadal siiyo labada dhinac si xabbad-joojin loo hirgeliyo.
Saan-saanta dagaalka Laascaanood ayaa mar kale cirka isku shareertay waxaana xirmay dhammaan jidadkii xalka iyo nabad-raadinta.
Taliska Korneyl Muuse Biixi ayaa sida la xaqiijinayo diiday in uu ciidamada ka dul qaado Laascaanood si xabbad-joojin loo dhaqan-geliyo islamarkaana loo helo jawi ay wada-hadal ku bilaabi karaan labada dhinac.