Wefdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin oo Caawa Marti u ah Magaalada Lascaanood.

0
425

Wefdigan oo kasoo kicitimay Magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland ayaa Si Diiran loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Lascaanood ee Caasimada Gobolka Sool,iyadoo ay soo dhaweeyeen Mayerka magaalada Madaxda Gobolka Saraakiil iyo Dadweyne Ka kala Socdey Qeybaha Bulshada Degmada.

Ujeedada Wefdiga ayaa ah Sidii Looga wada Hadli Lahaa Xalna Looga Gaadhi Lahaa Shaqaaqadii iyo Rabshadihii Dad ku Nafwaayeen Kuwa Kalena u Dhaawacmeen,waxaana magaalada Laga Dareemayaa Deganaasho iyo Xasilooni.

Wefdiga ayaa Sida Lagu soo Waramayo waxey Caawa Kulan kula Yeesheen Xarunta Degmada Dawladda Hoose ee Lascaanood Qaar kamid ah Maamulka Degmada Cuqaal iyo wax garad kale iyadoo loo balamey kulamo Kale oo lagu Xalilayo Dhibaatadii iyo Khasaarihii Soo Gaadhey Shacabka waana Markii ugu horeysay ee Wafdi heerkan ah ay yimaadaan Laascaanood tan iyo Markii Mudaharaadyo Rabshado wata Magaalada lascaanod Muddo Todobaadyo ah.

Imaanshaha Wefdigan ayaa kusoo beegmaya iyadoo habeen hore la arkayey Dad isu soo baxey iyo Rasaas Cirka Loo Ridayo ayna Ciidamadu ku Hanjabeen in ay khasab Nabadda kusoo Celin doonaan haddii aan laga waantoobin Caruurta iyo Haweenka Lasoo Abaabulayo.

Wixii kusoo Kordha Wararka Laascaanood Wararkeena Soo socda ayaan idinkula wadaagi doonaa Insha allaah ss La Soco.