Daacish Oo Duqeyn Dhanka Cirka Lagula Eegtay buuraha Calmiskaad Gobolka Bari Ee Puntland.

0
257

Weeraro Duqeymo dhinaca cirka ah ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacday buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Goobta duqeynta lala beegsaday ayaa la sheegay inay fariisin ku laahaayen Ururka Daacish, sida ay xaqiijiyeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Duqeymahaani ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, yadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ilaa iyo hada Ma jirto ila hadda cid sheegay inay ka dambeysay duqeyntan.