Madaxweynaha Somaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa arrimaha doorashooyinka iyo xaalada abaaraha, kala hadlay Safiirska Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster iyo ku simaha safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
“Madaxweynuhu waxa uu uga warramay safiiradda xaaladda guud ee abaaraha ka jira Somaliland, taas oo lagu qiyaasay in dad gaadhaya hal milyan iyo badh (1.5 M) qof ay u baahan yihiin gargaar binu-aadanimo” ayaa lagu yidhi warbixinta madaxtooyada.
Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, safiirada sharaxaad ka siiyay geedi socodka doorashooyinka Somaliland, isaga oo u sheegay in xukuumadu ay diyaarisay kharashkii doorashooyinka iyo diwaangalinta.”Madaxweynuhu waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey hawlaha doorashooyinka ee dalka ka socda; sida tartanka ururada siyaasada iyo qabsoomida doorashooyinka inagu soo foolka leh. Sidaa darteedna ay xukuumaddu diyaarisay kharashka ku bixi-doona diiwaangelinta iyo doorashooyinka” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo safiirada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa u dhacay hab maqal iyo muuqaal ah.