Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Axmed Macalim Fiqi oo Tilmaamey Doorka Diyaaradaha aan Duuliyaha Laheyn ee Turkiga.

0
1016

Dowladda  Soomaaliya ayaa todobaadkii hore xaqiijisay wararka sheegaya in diyaaradaha hubeysan ee ay soo saarto Turkiga ee Bayrakh dar oo xiriir la leh qoyska Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ay hadda ka howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bixinayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.

“Dowladda Mareykanka ayaa hogaamineysa, waxaana runtii aad uga mahadcelineynaa in ay hawada ka taageerayaan oo ay fuliyaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah kooxda argagixisada ah. sidoo kale wuxuu bixiyaa taageero sirdoon ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiir Axmed Macalim Fiqi ayaa ah Wasiirka Kaliya ee Waqtigan ka Muuqda Xukuumadda R/wasaare Xamze Cabdi Barre,wasaaradan ayaa aheyd Mid aan Muuqan intii uusan Imaan Wasiir Fiqi,hase yeeshee Wasiirkan oo dad badan ku Yaqaaniin Fir fircooni iyo Hawlkarnimo laga arkey Xiligii uu Galmudug ka ahaa Wasiirka Amniga ayaa hada ah wasiir Shacabka la Hadla una Sheega waxa siyaasdda iyo Dagaalka Lagula Jiro Al-shabaab kusoo Kordha.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Soomaalida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartilmaameed ah, si loola socdo dhaqdhaqaaqyada Alshabaab.

Soomaaliya ayaa 10-kii sano ee la soo dhaafay waxa ay Turkiga la wadaagtay iskaashi ciidan oo qoto dheer.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, tallaabadan cusub ee Ankara ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.