Wararkafacebook.comWararka Caalamka Wasaaradda Caafimaadka Oo War Ka Soo Saartay Dhacdadii Shalay Ka Dhacday Isbitaalka Wardi By Warsom - April 4, 2019 0 543 Facebook Twitter WhatsApp Linkedin Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay falkii shalay Isbitaalka Wardi oo ku yaalla Degmada Xamar Jajab uu ku hor istaagay inay isbitaalka ku dhasho Hooyo Fool heysay. Wasaaradda ayaa sheegtay in shaqada laga fariisiyay Gabadhii heeganka laheyd habeenkaas ee Hooyo Khadro Maxamuud u diiday inay Isbitaalka ku dhasho. Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay guddi xaqiiqo raadin in ay u saartay dhacdadan, islamarkaana bulshada lala wadaagi doono wixii ka soo baxa.