
Hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa shirkadaha isgaarsiinta ee ka howlgala gudaha dalka ku amartay in ay isku furaan khadadka taleefanadooda (interconnection) maadama xiligan aanay is wici karin.
War saxaafadeed qoraal ah oo maanta kasoo baxay Hay’adda isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkadaha isgaarsiinta ay waajib ku tahay fulinta qodobada ku xusan xeerka isgaarsiinta gaar ahaan qodobka 49-aad oo sheegaya in shirkadaha haysta ruqsadaha isgaarsiineed ee dalka ay dhaqan geliyaan hanaankii isku xiri lahaa wicitaanadooda.
Hadaba hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Hay’adda isgaarsiinta Somalia
Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen.
Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada, sida ay dhigayaan qodobada 50, 51, 52, 53 ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo Xeer-nidaamiyaha isku-xirka ee dhowaan la anisixiyey.
Waxa aan rajeyneynaa in shirkaduhu tixgelin doonaan hadafka laga leeyahay arrintan oo ah dan guud sida uu dhigayo sharciga, kuna soo gabagabeyn doonaan wada-xaajoodkooda waqtiga loogu talo galay.











