Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, Ciidamada Shabaab ayaa laba ruux waxa ay ku gowraceen duleedka Degmada Marka ee Gobolkaasi.
Labadan ruux ee Shabaab ay gowraceen ayaa waxa ay ahaayeen darawalo kaxeynaayay laba gaari oo raashin u siday gudaha Magaalada Marka, balse dabley Shabaab ka tirsan ayaa qabsaday.
Labada Ruux ayaa waxa ay wadeen laba gaari oo lagu jiidayay Dibi, kuwaas oo raashin u siday Magaalada Marka, hayeeshee markii ay marayeen deegaanka Buulo Dhurrow oo u dhexeeya Degmada Janaale iyo Deegaanka Buufoow ay Kooxo hubeysan gacanta ku dhigeen.
Intaasi kadib ayaa la sheegay labadii ruux ee gaariga kaxeynaayay in Al Shabaab ay gowraceen oo sidaasi ay kula wareegeen raashinkii & gaadiidkii lagu siday.
Ciidamada Shabaab ayaa xayiraad ku soo rogay Magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha hoose oo Ciidamada 14-October & masuuliyiinta Maamulka Degmada Marka ay ku sugan yihiin.
Qiimaha raashinka ayaa la sheegayaa in qaali uu ka yahay Magaalada Marka, maadaama Shabaab ay cunaqabateeyeen Magaaladaasi.











