Golaha Wasiirada XFS Oo Maanta Ansixiyay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Ee Soomaaliya.

0
526

Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixiyay Guddoomiyaha Cusub ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo loo magacaabay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo ka guuleystay ilaa 140 qof oo xilkaas soo codsaday

Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa xubnihii u tartamayay hoggaaminta Bankiga dhexe ee Somaliya ayaa ka soo jeedda Deegaanada Somaliland.

C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa horey u ahaa la Taliyaha dhanka arrimaha Dhaqaalaha ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somaliya.

Bishii January ee sanadkan ayaa waxaa aad loo hadal hayay in Guddoomiyaha Bankiga Dhexe uu noqonayo nin Ajnabi ah, taasi oo khilaaf ka dhex dhalisay masuuliyiinta qaarkood ee dowladda.

Dowladda Somaliya ayaa bishii August ee sanadkii 2018-kii shaacisay in jagada Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya ay banaan tahay una tartami karaan Somali iyo Ajaanib.