Madaxda Maamulada Banaadir, Puntland, Jubba Iyo Koonfuur Galbeed Oo Si Wada Jir Ah U Furay Shirka Wadatashiga Garawe..

0
452

Shirka Wadatashiga oo Garowe ka Furmay

Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waxaa maanta ka furmay wajiga labaad ee madasha wadatashiga oo ay leeyihiin madaxda dowladda Federaalka Somalia iyo madaxda  dowlad goboleedyada Puntland, Jubba iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Kulan oo uu furay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa looga doodayaa Hiigsiga 2016, dhismaha iyo isku dhafka ciidammada, qeybsiga kheyraadka, xal u helista dhibaatooyinka qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Kenya, Yemen iyo dalalka kale.

Guddiyo ay dhinacyadu iska soo saareen ayaa ka dooddaya qodobadaasi, kadibna waxaa la filayaa inay go’aammo ka soo saaraan.

Shirkan mid la mid ah ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.