(Waxaa Timid Maalintii Ay Wada Sugayeen Suxufiyiinta Muqdisho, Waxayna Ku Timid C/casiis Africa).
War Bixintani Oo Aan Ugu Magac Darnay (MA SUXUFI BAA MISE WAA SIRDOON?) Ayaa Waxaanu Ku Eegaynaa Warbaahinada Qaar Ee Muqdisho Qaababka Ay U Shaqeeyaan Iyo Suxufiyiinta Qaar Oo Shaqadooda Wariyenimo Kula Laamaanan Howlo Aan Quseynin Saxaafada Islamarkaana Caqabad Ku Naqan Karta Wariyayaasha Kale Ee Gudanaya Howlahooda War Baahineed Hadaba Waxaan Idin Soo Gudbineynaa Shaqsiyaadka Ku Dhex Dhuunta Shaqada Saxaafada Islamarkaana Dhibaateeya Wariyayaasha Kale Ee Aan Dooneynin In Ay Shaqadooda Carqaladeyaan Oo Ay Meel Kaga Dhacaan Xirfada Ay Ku Shaqeysanayaan.
C/Casiis Max’uud Guuleed Africa Waa Shaqsiga Ugu Cad Cad Ee Ku Gambada Saxaafada Islamarkaana Ah Shaqsiga Kaliya Ee Caqabada Ku Ah Wariyayaasha Ka Howlgala Magaalada Muqdisho, Waxa Uu An Africa Ka Tirsanyahay Wariyayaasha Qaabka Qaldan Kaga Shaqeeya Saxaafada Ee Radio Muqdisho Waana Sarkaal Ka Tirsan Hay’adda Nabad Sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Wuxuuna Africa Ku Caanyahay Tabinta Wararka Been Abuurka Ah Waana Mishimiiste Inta Badan Ku Mashquulsan Wariyayaasha Kale Ee Aan Dooneynin Ka Dhaadhicinta Fikirkiisa Qaldan.
Africa Ayaa Horey Waxa Uu U Shirqoolay Wariyayaal Farabadan Ee Ka Shaqeeya Idaacadaha Muqdisho Isagoona Inta Badan Shirqooladiisa U Adeegsada Xeelado Aan Shaki Ku Abuureynin Shaqisga Uu La Damacsanyahay In Uu Dhibaateeyo Waxa Uuna Ku Dheereeyaa Iska Fogeynta Kadib Markiiuu Geesto,Isagoona Sidoo Kale Ay Jiraan Warbaahino Badan Oo Uu Bililiqo Iyo Dhac U Geestay Islamarkaani Uu Falakaasi U Adeegsado Askar Ka Tirsan Kuwa Nabad Sugidda Ee Uu Isaga Ka Tirsanyaha.
Dhanka Kale Daahir Calasow Waa Shaqsi Ku Qaraabta Website,yada Iyo Muuqaalada Loo Adeegsado Aalada Youtube,ka Loo Yaqaano Kaasoo Uu Ku Baahiyo Wararka Been Abuurka Ah Iyo Dacaayaad Uu Ka Fidinayo Masuuliyiinta Iyo Shaqsiyaadka Uu Laa Luushka Ka Doonayo Isaga Iyo Africana Inta Badan Waa Ay Ka Simian Yihiin Dhaqamada Foosha Xun Ee Aan Kor Kusoo Sheegnay.
C/casiis Africa Iyo Daahir Calasow Waxaa Ka Dhaxeeya Wada Shaqeyn Xoogan Waxayna Inta Badan Wada Shaqeyntooda U Kala Qeyb Sadeen Gudaha Iyo Dibada Iyadoo Uu Africa Ku Shaqo Leeyahay Dacaayaadka Been Abuurka Ah In Uu Uga Tabiyo Soomaaliya Daahir Calasowna Uu Ka Soo Tabiyo Barobogaamka Dibadaha Waana Shaqsiyaad Waqti Dheer Soo Wada Shaqeeyey Kuna Hishiiyey In Baad,Dhac,Shirqool Iyo Been Abuur Ay U Geestaan Wariyayaasha Iyo Shaqsiyaad Ka Hor Yimaada Fikirkooda Qaldan Waxayna U Adeegsadaan Inta Badan Awood Dhanka Dowlada Ah Balse Waxaa Horey Looyiri Qofaan Kaa Ridi Doonin Yuusan Ku Rarin.
Waxaa Timid Maalintii Ay Wada Sugayeen Suxufiyiinta Muqdisho, Waxayna Ku Timid C/casiis Africa
Maanta Waa Maalin Mugdi Ku Ah C/casiis Africa Gacan Ku Gambadna Uu Ku Jiro Kadiba Markii Madaxweynaha Dowlada Xasan Sheekh Uu U Dul Qaadan Waayey Falalka Foosha Xun Ee Uu Caadeystay Shaqsigaani Wuxuuna Madaxweynaha Amar Ku Bixiyey In Xabsi Loo Taxaabo Africa Iyo Shaqsiyaadka Uu Gacanta Ka Heli Jiray Waxaana Haatan WANTED Ah Africa Oo Ilaa Iyo Haatan Aan La Ogeyn Meesha Uu Jaan Iyo Cirib Dhigay
Sida Caadada U Aheyn Kuna Heshiiyeen Africa Iyo Saaxiibkiisa Daahir Calasow Markii Ay Mashaqo La Kulmaan In Ay Isaga Hiiliyaan Aaladaha Warbaahineed Ayaa Website,uu Leeyahay Daahir Calasow Kaasi Oo Lagu Magacaabo Waagacusub.com Waxaa Lagu Soo Daabacay Warar Sheegaya In Dowlada Ay Ku Raad Joogto C/casiis Africa Lana Damacsantahay Fal Shirqool Dil Ah,Balse Dhagaha Saxaafada Ayaanan Aheyn Mid Ka Dhaadheceysa Wararkaasi Kana Mid yihiin Been Abuuraddii Looga Bartay C/Casiis Africa Iyo Sxbkiisa Daahir Calasow Oo Labadoodaba Ah Burcad Saxaafadeed Iyo Askar Sirdoonka Soomaaliya Ka Tirsan.
(KA HARI WEYSEE WEY KU HAYSATAA!!!!!.).





