Magaalada Baydhaba waxaa xalay lagu dilay Daa’uud Cali Cumar oo ah weriye ka howgalayay Idaacadda Baydhabo, xaaskisii iyo waliba nin kale oo ay jaar ahaayeen.
Dilkan waxaa geystay dabley la aaminsa yahay inay ka tirsan yihiin ururka al-Shabaab Kuwaasoo Goobta Isaga Baxsaday Kadib Markii Ay Dilka Geysteen.
Maamulka Koonfur-Galbeed Somalia ayaa sheegay inay baadhayaan sababaha loo dilay 3-dan ee uu ku jiro weriyahaasi Waxaana Wali La Aaminsanyahay In Hadalka Madaxda Uusan Wax Ku Owl Aheyn.





