Askeri ka tirsan ciidamadda xogga ah oo lagu diley magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hose.

0
522

Askeri ciidanka xogga ka tirsan ayaa lagu diley magaalada afgooye dhexdeeda iyadoo ay dileen rag ku hubeysan bistoolado,waxeyna ka qaateen baa la sheegayaa qorigii uu watey iyadoo ay goobta ka baxsadeen inta aysan ciidamada dawladu goobta soo gaarin.

Hore looma arki jirin iyadoo la ugaarsado askarta xogga dalka soomaaliya,waxeyna u muuqataa in xarakada dagaalyahanada Alshabaab ay mar kale bedeleen dagaalka ay kula jireen dawladda federalka iyo ciidamada Amisom,hadii ay sidaas noqoto xaalku wuu sii xumaanayaa xalkuna wuu sii fogaanayaa.

Waa markii ugu horeysey ee askeri magaalada dhexmaraya la dilo,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo beryahan magaalada afgooye laga wadey hawlgal lagu sifeynayo dadka loo maleynayo in ay nabada carqaladeynayaan.