Moshinkii ka dhanka ahaa xukuumadii hore ee saacid ayaa la filayaa in beri la guda galo,waxeyna isku dayayaan xubno damuljadiid ah oo moshinku saameynayo in ay ka hortagaan iyagoo kala furfuraya xildhibaanada hore loo yiri (FADLAN LACAG KU SHUBO).
Waxaa magaalada laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa iyo jeeb furanka magaalada ka jira,iyadoo afar goobood oo kala duwan ay ku kala shirsanyihiin xubnaha barlamaanka soomaaliya,waxaana arintaas ka danbeeya baa la leeyahey rag damuljadiid xaalku ku xunyahey.
Marxalada uu xaalku marayo waa mid uu u fekerey ra’iisalwasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed,oo caqabadi ka heysato sidii xukuumad leysku raacsanyahey uu u soo dhisi lahaa,rag lagu xaglinayo ururka damuljadiid in ay ka tirsanyihiin la’aantood xukuumad ay ka maqanyihiin looma dhama mana soconeyso.




