Xubnihii musharaxiinta ahaa ee tartanka u galey m/weynaha puntland ayaa ku gurya laabanaya meelihii ay ka yimaadeen,waxaana xaflad sagootin ah loogu sameeyey magaalada garoowe musharixii looga adkaadey tartanka m/weynaha puntland musharax Cali Xaaji Warsame oo sheegey in uu xisbi siyaasadeed furanayo,uuna wadi doono hamiga m/weynaha puntland.
Dhanka kale m/weynaha puntland ee tartanka ku guuleystey C/weli Cali Gaas ayaa qabtey xaflad aad u balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen haweenka puntland,wuxuuna m/weyne C/weli Gaas uu balanqaadey in haweenka puntland uu xukuumadiisa ka siin doono xilal ka badan kuwii hore loo siin jirey,waxeyna sheegtey Caasho Geele oo wasiir hore u ahaan jirtey in m/weyne C/weli Gaas xilalka uu haweenka u qoondeeyey ay ku filaan doonaan,mansabka haweenkuna kor u kicidoono ayna ku qanacsanyihiin.
Waa markii ugu horeysey ee m/weyne C/weli Gaas uu meel fagaare ah kala hadlo qeybaha bulshada qaarkood waxaana la filayaa in dhawaan lagu dhawaaqo xubnaha wasiirada puntland…




