Qaar Ka Mid Ah Degmooyinka G/Banaadir Oo Xalay Laga Maqlay Madaafiic Iyo Rasaas Aad U Xoogan.

0
524

Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa Xalay Dagaallo culus Waxa Ay Ku Soo Qaadeen fariisimo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ku leeyihiin gudaha Gobolka Banaadir.

Xaafadaha Gubta, Ciise Cabdi Iyo Deegaano Kale Ayaa Xalay saqdii dhexe marqura Laga Maqlay xabadda Iyo Madaafiic Xoogan halkaasi oo Sida Lla Sheegay In ay ka dagaal galeen ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee howlgalada Amni Daro Ka wada caasimadda Soomaaliya Ee Muqdisho.

Sida Ay Baahisay Warbaahinta Ku Hadasha Afka Al-shabaab Ee Al- Andalus ayaa saaka baahisay in 7 katirsan meydadka Amisom lagu arkay goobihii lagu dagaalamay Dhaawacyo Kalena Ay Sheegeen In Ay Jiraaan.

Goobihii Ay Xalay Ku Dagaalameen Al-shabaab Iyo Dowlada Ayaa Haatan Laga Soo Sheegayaa In Ay Degantahay Walow Ay Baaritaano Ka Bilaabeen Ciidmada Dowlada Iyo Kuwa Amisom.