Max’ed Cali Americo Oo Kulamo La Qaatay Ganacsato Soomaali Ku Sugan Xaafada Xaafada Islii Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

0
501

Maxamed Cali Nuur Ameeriko Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Kenya ayaa booqasho lugta ku tagay xaafada islii si uu indhiihiisa ugu soo arko sida uu ganacsiga uu xaafada u socdo ka dib qaraxii axadii ka dhacay xaafada iyo qalalaasihii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale Safiirka ayaa lug ku soo dhex maray suuqyada waaweeyn ee xaafada islii isagooganacsatada weeydiinayay sida uu u socdo ganacsiga iyo hadii ay jiraan wax caqabado ah Ee Heysato.

Ganacsatada ku dhaqan xaafada islii ayaa si weeyn u soo dhaweeyay kuna farxay booqashada Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya Kenya iyagoo ugu warbixinayay sida u yahay ganacsiga,iyagoo u sheegay inaysan saameeyn weeyn ku yeelan ganacsigooda qalalaasihii dhacay Xaafadaasi Islii Ee Kenya.

Cali Americo ayaa u kuur galay sida uu ganacsigauga socdo xaafada islii,isagoo ganacsatada ku dhiiri galiyay in ay ganacsigooda sii wataan una balan qaaday in aysan dib u dhici doonin qalalaasihii dhacay maalmihii lasoo dhaafay oo sidii arimahaasi loo xalin lahaa ama looga hortagi lahaa uu kala hadlay Dowlada Dalkaasi Kenya.