Wufuudaani ka socday Hay’adda Q.M u qaabilsan Cuntada Aduunka ee WFP ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose Halkaasi Oo Ay Ku Soo Dhaweeyeen Masuuliyiinta Dowlada Soomaaliya.
Ujeedada ay u tagayaan Wafdigaan magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tahay sidii ay ugu kuurgali lahaayen xaalada dhabta ah ee ka jirta magaalada si dadka ku nool gargaar loogaarsiiyo ayaa waxey kulammo la qaateen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha magaaladaasi Kismaayo.
Maamulka iyo saraakiisha Ciidammada
iyo wafdiga ka socda WFP Kulammada dhexmaray ayaa waxey ka dhaceen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo halkaasi oo ay dhinacyada kulanka ka qeybgalay isku afgarteen in sida ugu dhaqsiyaha badan dadkaasi gargaar loo Gaarsiiyo.
Wafdiga ka socday WFP Saraakiil u hadashay ayaa kulanka ka ballan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan magaalada Kismaayo uu kusoo gaari karo gargaar ka socda Q.M Oo Goordhow Halkaasi Ka Bilaabi Doonaan.
Wafdigaani Maanta Gaaray Kismaayo Ayaa Imaanaya Xilla Al-Shabaab Ay Ka Ruuqaansadeen Iyadoona Ay sii kordhayso wufuudda ka socota caalamka ee magaaladaasi u tageysa iney qiimeyn ku sameeyaan xaaladaha Shacabka Ay Ku Suganyihiin Iyo Sidii Ay Ugu Gargaari Lahayeen.




