Deegaanka Haamey Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu ka dhacay Maanta Kaa Oo Oo Sida La Sheegay In Ay Al-shabaab Weerareen Colonyo Gaadiid Ah Oo Marayay Deegaankaas
Masuul Ka Tirsan Xarakada Al Shabaab Ayaa Sheegay In Deegaanka Haamey ay Labo baabuur looga gubay Ciidmada Kenya Dhimasho Iyo Dhaawac Badanna Ay Gaarsiiyeen.
Goobjoogayaal Ka Madax Banaan Dhinacyada Isku Fara Saaray Deegaankaasi ayaa Warsom U sheegay in ciidamo aad u hubeysan oo Ka Tirsan Al-shabaab ay dagaalka ka qeyb qaadanayeen waxaana leysku Adeegsanayayaga rasasta iyo madaafiic xoogan Kuna Dhacayay Deegaano Ka Baxsan Goobta Leesku Farasaaray.




