Banaanbax lagu taageerayo hadalki m/weyne xasan shekh ee ku aadanaa in la qaado isbaarooyika oo muqdisho ka dhacey…..

0
511

Iyadoo madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya uu jeediyey khudbad xasaasi ah oo taabatey qalbiyada muwaadinìin badan isla markaana tilmaameysey in aan loo baahneyn dhaqaale urursi sharci daro ah sida isbaarooyinka boonooyinka been abuurka ah iyo wax yaabaha danaha gaarka ah lagu fushado ee loo ekeysiinayo maamul dawladeed in la joojiyo.

Ayaa maanta waxaa muqdisho ka dhacey banaanbax lagu taageerayo hadalkaas isla markaasna looga soo horjeedey in isbaarooyinkaas ay siijiraan iyadoo ay kasoo qeyb galeen madax iyo saraakiisha ciidamada waxeyna dhamaan qeybaha bulshadu muujiyeen in dhamaantood ay soo dhaweynayaan in la qaado isbaarooyinka magaalada muqdisho dhex yaal oo gaaraya in ka badan ilaa 60 isbaaro oo sharci daro ah.

Maahan markii ugu horeysey oo leysku dayo in la qaado isbaarooyin u yaala qabaa’il iyo maamulo ka jira qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir,mana suuronbin balse waxaad moodaa hada in dadku ay bislaadeen oo ay fahmeen dawladnimada taas oo caawin karta baaqan kasoo yeerey madaxweynaha soomaaliya prof. Xasan sheekh maxamuud gurguurte.