M/weynaha soomaaliya xasan sheekh oo xariga ka jarey dhismaha safaarada soomaaliya dib u habeyna lagu sameeyey.

0
495

Madaxweynaha dawlada federalka soomaaliya prof. Xasan shekh maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka jabuuti ayaa xariga maanta ka jarey dhisme dib u habeyn lagu sameeyey oo ay iska leedahey dawlada soomaaliya.

Dhismahan ayaa dib u habeyn lagu sameeyey kadib markii burbur kusoo gaarey dayactir la’aan soo wajahdey waqtiyadii burburka qaranka,iyadoo ay jiraan meelo farabadan oo hantida qaranka ka mid ah oo burbur awgiis hawl gab noqdey sida dhismaha safaarada soomaalidu ku leedahey roma dalka talyaaniga oo hada baarlamaanku soo jeediyey in gudi soo baara arinta kiro la sheegey in uu ku dhiibey safiirka somaalida ee midawga yurub isla markaana ah safirka soomaaliya ee talyaaniga korneyl nuur xasan xuseen nurcade dib u dhiska dhismaha safaarada.

Dhismaha xariga m/weynuhu ka jarey ayaa waxaa gobjoog ka ahaa safiirka somaliya ee dalka jabuuti amp.c/raxmaan cabdi xuseen c/raxmaan guulwade diblamaasiyiin iyo madax soomaaliyeed.