Mudanayaasha Baarlamanka Somalia Oo Ansixiyay Miisaaniyaddooda Sanadka 2013-da.

0
523

Shir ay Xildhibannada Baarlamaanka Maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacbiga ayeey kaga doodeen Miisaaniyadda 2013-ka uu ku shaqeynayo baarlamanka waxaana dood dheer kadib cod loo qaaday Miisaaniyadda Go’aan Cadna Laga Soo Saaray.

Ansixinta Qodobkaasi Ayaa Waxaa Qalainka Ku Ku Riiqday“158-mudane oggolaatay , 9-na Wey diiday 9 kalena wey ka aamustay” sidaasna waxaa saxaafadda u xaqiijiyay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka kulankakadib maadaama ay saxaafaddu dibada Loo Ogalaanin Inay Ka Qeyb Galaank.

Qodobkaani Miisaaniyadda ay ansaxsadeen Mudaneyaasha Baarlamanka ayaa ku kaceysa lacag Dhan ku dhawaad 15-Milyan oo dollar iyadoo bishiiba ay ku baxeyso xildhibannada qiyaastii hal Milyan oo Dollar Oo Ay Mushahar Koodii Ka Qeyb Tahay.

Ilaa Iyo Haatan Lama oga sida ay Xukuumaddu u aqbali doonto Go’aankan maadaama xildhibaankii mushaarkiisa oo kaliya loo qoondeeyay 3,600 Dollar halka ay haatan ka qaataan mushaar ahaan 2,000’$(labo Kun Doolar)