Allaha u naxariistee waxaa muqdisho maanta lagu aasey gudomiyihii hore ee muqdisho maxamed cumar xabeeb m/dheere oo shaley ku geeryoodey airporka aadan cadde iyadoo caafimaad debedda ah loo wado,waxaana ka qeyb galey aaska madada dawlada ee her qaran,gobol degmo iyo madaxda xisbiyada siyaasada qaarkood.
Waxaana tacsi tiiraanyo leh u direy shacabka soomaaliyed iyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxey maxamed cumar xabeeb wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka c/kariim xusen guuleed,gud.gobolka banaadir maxamud axmed nuur tarsan,gudoomiyaha iyo gudomiye kuxigenka xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed c/nur axmed darman iyo cali maxamed nuux timajilic iyagoo alle uga baryey in uu janadiisa geliyo ehelada iyo qaraabada uu ka baxeyna samir iyo iimaan ka siiyo aamiin.
Maxamed cumar xabeeb ayaa dhawaanahanba xanuunsanaa iyadoo loo maleynayo sida wararka qaar ay sheegayaan in uu kusoo kacey jugo ay ku dhufteen ciidamada uganda waqtigii la xiri jirey taasoo markii danbana la siidaayey iyadoon wax denbi ah loo qabsan,isaga iyo rag kale oo la xirnaa.




