Iyadoo la wada ogyahey mawqifka caalamka iyo kan soomaalida ay ka taagnaayeen sii socoshada dhoofka dhuxusha iyo jarida dhirta madaxweyne gurguurtena uu ahaa kan ugu darnaa hadal heynta xaalufka dhirta iyo dhuxusha kismaayo ayuu madaxweynuhu shaaciyey in dhuxusha la sii dhoofiyo iyadoo aysan jirin waqti loo qabtey oo ay ku egtahey.
Waa nasiib daro inteeda la eg in wafti uu soo direy axmed madoobe ay bedelaan aragtida m/weynaha ayna baneystaan in dhuxusha hada dekeda ku jirta uun la dhoofinayo waana habeenki xaley ahaa oo tagey in dhuxuli ka dhamaato gudaha dekedda kismaayo iyadoon waqti kama danbeyn ah la qaban,ama aan dadka dhirta guba ama jara aan loo sheegin waqti kama danbeys ah oo aan dhuxul danbe la dhoofineyn.
Madaxweynaha ayaa la dhihi karaa wuu ka ilduufey ama ogaa in uu soo saaro labo qodob midkood,kuwaas oo kala ah;
1 in madaxweynuhu yiraa waqtigaas ilaa waqtigaas ayey ku egtahey dhuxul la dhoofiyo.
2 iyo in m/weynuhu fahmo in dhuxusha dekedda taal looga baahanyahey gudaha dalka ayna badbaadi laheyd dhir badan oo la jarey hadalka m/weynaha kadib,maamulka sh axmed madoobe ayaa dhaqaale ahaan mudnaan siinaya sii socoshada dhoofka dhuxusha balse inta deegaanka u ololeysa iyo wax garadkuba wey ka xunyihiin dhibaatada loo geysanayo dhaqaalaha dabiiciga ah ee dalka soomaaliya.




