Madaxweynihii hore ee soomaaliya shiikh shariif shiikh axmed oo isaga iyo xaasaskiisu u guureen dalka uganda.

0
512

Madaxweynihii hore ee dalka soomaaliya shiikh shariif shiikh axmed oo ay wehliyaan xaasaskiisa ayaa ka ambabaxey dalka isagoo u sii jeeda dalka uganda oo uu ka heley deganaasho joogta ah,waxaana wehliya oo la socda xaasaskiisa iyo caruurtiisa,shiikh shariif oo ahaa nin firfircoon ayaan la ogeyn waxa uu ku doortey degitaanka dalka uganda.

Shiikh shariif ayaa waxa ay si wanaagsan isu barteen intii uu siyaasada ku jirey madax farabadan oo caalamka iyo afrikaba ah waxeyna isu dhawaayeen m/weyne musafeniga uganda oo mar walba u wici jirey waxaana la sheegayaa in magaalada kampalla looga diyaariyey guri qurux badan oo ay degi doonaan isaga iyo xaasaskiisa,iyadoona la sheegayo in m/weynihii hore shiikh shariif uu jaamacad halkaas ka geli doono.

Lama oga in shiikh shariif halkaas siyaasada uga harey iyo in uu mar kale soo rogaal celin doono,iyadoo dadka sida hoose shiikh shariif u yaqaan ay tilmaameen in shiikh shariif shiikh axmed uuna sidaas siyaasada uga hareyn balse uu fursad siinayo ninka isaga bedeley xasan sheekh maxamuud,maadaama uu si buuxda xilka qaranka ugu wareejiyey.

Soomaaliya oo aan aheyn meel xasiloon ayaa masuul kasta oo soo maraa uusan ku noolaan karin waqtigan duruufo jira awgood,iyadoo ay aad u sahlantahey in aad wax walba sameyn karto adigoo dalka debediisa ku sugan,mase la filayo in shiikh shariif ku dhaqaaqo majo xaabin ka dhan ah dawlada isaga bedeshey,balse laga yaabo in uu isasoo diyaarinayo meeshuu doonaba siyaasada hakasoo galo’e.