Dibad Bax lagu taageerayay dowladda oo ka dhacay Degmada Dharkeynley Ee G/Banaadie

0
556

Banaanbax balaaran oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan dowladda laguna taageerayay dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay dagmada Dharkeynley ee Magaalada Muqsisho.

Banaanbax lagu taageerayay dowladda cusub ee Jamuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka socodaywasaaradda arrimaha gudaha, maamulka gobolka Banaadir, maamulka degmada Dharkeynley, iyo qaar ka mid shacabka degmada.

Dibadbaxa Intii Uu Socday ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, waxeyna dadkii ka qeyb galay ay ku dhawaaqayeen erayo ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya.

Macalin Cabdulle Cali Guddoomiyaha dagmada Dharkeynley oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in dibadbaxa uu yahay mid ay ku taageerayaan dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxda.

Warsame Maxamed Xassan guddoomiye ku xigeenka dhinaca amaanka maamulka gobolka Banaadir oo sidoo kale goobta ka jeediyay hadal ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay gacmaha isqabsadaan lana shaqeeyaan dowladda Soomaaliya.