Wararka Soomaaliya
Maxkamadaan oo lagu qaadayo gudaha garoonka Muqdisho ayaa waxaa qaadayaa garsoorayaal Magacyadooda aynu wali helin waxaynu Maxkamadu tahay mid qarsoodi oo loo diiday inay la socdaan Saxaafada iyo qeybaha kale ee bulshada ee daneyneysa la socoshada lacagahaasi iyo meesha la marsiiyo dadkii watay
Ilo Wareedyo ay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com ka heshay garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in Maalintii 2aad ay socoto maxkamadeenta rag u kala dhashay dalalka Ingriiska iyo Kenya kuwaasoo lagu heysto halka ay u wadeen lacago lagu qabtay Garoonka Muqdisho waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lacagtaasi loo waday Shariif Sakiin oo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana sidoo kale ilo wareedyada xaqiijinyaan in lacagtaasi lagu wareejin doono ciddii ay u socotay lana fisixi doono raggii siday lacagtaasi
Dhawaan ayay aheyd markii Garoonka Muqdisho lagu qabtay lacago Malaayiin Dollar ah kuwaasi oo ya wadeen Shaqsiyaad Ajnabi ah waxaana xukuumada qubo joogta ay sheegtay in talaabo laga qaadi doono ciddi wadatay lacagahaasi
Wararka Soomaaliya (Warsom.com)
Mogadishu Somalia
Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)
Mogadishu Office
+25-26-15514953/+25-2699-995641
(





