Ururkii Dhalinta iyo Shaqaalaha SOS oo Si Wada Jir ah u Doorteen Guddi

0
763

 

Waxa shirk ka dhacay xafada SOS. Shirkan oo daba socday shir wiigii hore aay halkaas ku qabsadeen shaqaalaha iyo carurta mesha lagu xananeyo. Wada hadal iyo falanqayn ka dib waxay ardayda dhalinta SOS iyo shaqaalahoda aay go’aansadeen sidii aay ugu bixi lahayeen marxaladaha ka taagan SOS Somalia in aay aburtaan gudi ka kooban 8 (sideed) xubnood kuwaas oo isagu jira caruur iyo shaqaale intaba.
Gudiyadii ka maqnaa shirkaas oo ka qayb gali waayey shirkaas arimo shaqsiyadeed awgeed waxay aay codkooda ku soo dhiibteen qadka telefonka iyo imeelo aay u soo direen gudiga qabanqaabada shirweenaha lagu dooranayey gudiga ururka.
Magacyada hoos lagu xusay waxay yihiin gudigii uu ururka soo dortay iyo xilalkooda.

MAGACYADA XILKA
1. Ayanle Maxamed Siyad Gudoomiye ku xigeen
2. Ladan Maxamed Cali Xoghaye
3. Maxamed Bille Musse Gudoomiye
4. Liban Cabdi Maxamed Afhayeen
5. Maxamed Cusman Cali (Maxamed Somali Arimaha dibada
6. General Kulane Cabdi Yusuf Amaanka
7. Xalimo Maxamed Cali Mareeyaha ururka
8. Bashir Salax Hassan (Hermann) Dhaqaalaha
9. Burhan Xasan Farax Saxaafada
10. Mr Johny Chandler Qareen  

Dhamadkii doorasha ka dib ayaa waxa si toos qadka teleefonka loo soo galiyey ninka hada loo magacabay gudoomiyanimada, Maxamed Bille Muuse oo hada ku sugan halkaa iyo wadanka Yemen waxana si toos ah looga codsaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku tago halkaa iyo dalka Kenya si uu ula soo xaajado SOS una gudbiyo dhibaatada ka taagan meesha iyo in goaanada aay gaareen dhalinta SOS iyo shaqaalahooda la xushmeeyo dhibaatada meesha taalana si dhaqso badan wax looga qabto. Waxa aay gudiga ka codsadeen xafiska SOS mamulo ee wadankaas iyo Austria in la xushmeeyo codsiga dhalinta iyo shaqaalahaba Ahmed Ibrahimna uu xilka iska wareejiyo maadama uu ku fashilmay shaqada Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)


 

Wararka Soomaaliya