Maleeshiyaad Taabacsan Faroole Oo Weeraray Masjid Ku Yaal Degmada Ofeyn Ee Gobolka Bari

0
689

Wararka Soomaaliya

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in maanta weerar ay ku qaadeen Maleeshiyaad hubeysan oo taabacsan C/raxmaan Faroole waxaana wararka intaa ay ku darayaan in jameecada Misaajidka qaarkood ay ku geeriyoodeen weerarkaasi halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen

Ilo wareedyo wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ay ka heshay Degmada Ofeyn ayaa sheegayaa in halkaasi ay ku dhinteen in ka badan 5 qofood halka tiro kalana ay ku dhaawacmeen waxay goob jooga yaasha intaa ay raaciyeen in xaalada degmadaasi ay tahay mid kacsan

Maamulka Islaam la dirirka ee uu hogaamiyo C/raxmaan Faroole ayaa waxay caadeysteen weerarada ay ku qaadayaan goobaha cibaadada oo ku yaala Maamul goboleed Puntland waxayna taas cadeyneysaa Nacaybka ay U Qabaan Mulmiinta

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(info@warsom.com & webmaster@warsom.com)