Ciidamada PS-ta TFG-da Oo Xabsiga u Taxaabay Rug Cadaa Siyaasadeed Cali Maxamed Nuux (Timo Jilic)

0
682

Wararka Soomaaliya

Ciidamada nabad sugida dowlada Somalia ayaa duhurnimadii maanta xabsiga u taxaabay mudane Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ahaa gudoomiye-xigeenkii xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed sida ay sheegayaan wararka ku soo dhacaya xafiiska warqabadka Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom.com

Gudoomiye xigeenka ayaa la sheegay inuu saaka tegay xarunta ciidamada nabad sugida dowlada Somalia ee gobolka Banaadir si uu iskugu dayo inuu sii daayo xubin ka tirsan xisbiga Midnimada jamhuuriga oo halkaas lagu xiray hase ahaatee markii uu halkaas gaaray ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen ciidamada nabad-sugida.

“Qadka telefanka ayuu igula soo xiriiray intii aan telefanada laga damin ka hor, wuxuuna ii sheegay in la xiray xarigiisana uu amar ku bixiyey taliyaha ciidamada nabad sugida gobolka Banaadir nin magacisa uu ku sheegay Khaliif” sidaasi waxaa yiri Bashiir daacad oo ah xoghayaha xiriirka gobolada ee XMJS oo la hadlayey warbaahinta qaar ee magaalada Muqdisho isagoo dhinaca kale xarigaasi cambaareeyey, wuxuuna ku baaqay in si deg deg ah loo sii daayo masuulkaasi.

Lama oga ilaa hadda sababaha dhabta ah ee ciidamada nabad sugida dowlada ay u xireen Cali Maxamed Nuux (Timajilic) oo ahaa gudoomiyihii xisbiga midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed, mana jiro war ku saabsan xarigiisa oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada nabad sugida.

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)