Ka Dib Ceyrintii Farmaajo Halkee Bay Ku Dambeyn Doonaan Labada ShariifEe Cadaalad Darada Ku Heshiiyay

0
749

Wararka Soomaaliya

Maalint Shalay oo Axada Aheyd ayaa si rasmi ah loo ceyriyay R/Wasaarihii Soomaali Ameerikaanka Ahaa Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo waxaan Farmaajo oo murug ay ka muuqato boorsooyinkiisa uu u xirxiranayaa halkii uu ku barbaaray ee Mareekanka waxaana lagu jiiday Farmaajo Dhulka sidii horay dhulka loogu jiiday raggii u shaqeyn jiray Cadowga siad Cali Qaliif Galeyr, Cali Maxamed Geedi, C/laahi Yuusuf Axmed, Cumar C/Rashiid Cali Sharmaake hasa yeeshee Farmaajo si ka xun kuwii ka horeeyay ayaa dhulka loogu jiiday waxaana ka qeyb ka qaatay arintaasi Gaalka Yuwere Musavani, Gaalka Augostin Mahiga, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo saaxiibkiis Shariif Sh. Axmed oo balanta uga baxay

Shariif Sh. Axmed ayaa dadka aqoonta u leh waxay sheegaan in uu yahay nin aan balanta ku fiicneen isla markaana aan laheyn sxb gaar ah sida laga dareemayo fool xumada uu ku soo hootiyay sxb hore Farmaajo

Hadaba waxa dad fara badan ay is weydiinayaan ayaa ah halka ay ku dhamaan doonto labada shariif iminka u bilaabaneysa

Warark lagu kalsoon yahay oo ay heshay wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa sheegaya in Shariif Sh. Axmed uu raacayo Mudo 6 bilood ka dib saaxiibkiisii Farmaajo waxaana arintaasi ku heshiiyay afarta Soomaalida u hesheesay ee kala ah Mahiga, Yuweeri Musavani, Mall Zanawi, Shariif Xasan Sh. Aadan waxaana afartaani khaain ay ku heshiiyeen ceyrinta Farmaajo in ay ku xigro saaxiibkiisii balanta kaga baxay Shariif Sh Axmed Waxayna ku balameen in dhulka ay ku jiidaan Shariif si ka xun siday ugu jiideen Farmaajaha Ameerikaanka Ah

Waxaan labo qofood oo fahan san siyaasada Soomaaliya ayna is weydiineynin in Farmaajo uu ku xigo Shariif Sh. Axmed waxaana ka dib la sameynayaa koox cusub oo gumeystaha u shaqeysa uuna horkacayo Khaain Shariif Xasan Sh Aadan oo kubada uu dheelayo ay tahay mid fog kuna doonayo in Eithopia iyo Soomaaliya uu ka dhigo 1 dal oo qura ah

Wuxuuna heshiiskaasi uu u saxiixay tikreega malla Zanaawi oo si weyn u jecel in Soomaaliya inteeda kalan uu la wareego laakin shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah waxay ilaahey ka magan galayaan dhagarta sida wada jir ay u damacsan yihiin Shariif Xasan Sh Aadan iyo Malla Zanaawi

Labada Shariif Makala roona midba midka kale ayuuu ka daran yahay hasa yeeshee hada wey heshiiyeen hasa yeshee heshiiskoodu ayaa wuxuu yahay mid qayaano hoosta ka wata midba midka kale ayuu wuxuu is leeyahay gaad hase yeeshee midka gaadan waa Shariif Sh Axmed waxay umadda ay wada sugeysaa ceyrinta Shariif Sh Axmed iyo Shariif Xasan Sh. Aadan Dhagarta uu damacsan yahay oo cidna daah aan kaga dadneyn

Waxaama dhagarta labada Shariif ay ku soo bilaabatay Asmara iyo Djabouti oo ay ku soo diyaariyeen shir qoolo ka dhan ah umadda Soomaaliyeed hasa yeeshee iminka waxay maryaaan xilli ay iyga is gaadaan oo midba midka kale uu ka cabsado arintaasina waa Allah fadligiisa waxay Soomalida horay ay u tiri “God ha qodin hadii aad qodidna ha dheereyn ku dhici doontida ma ogidee” waa tan hada heysata Shariif Sh Axmed

حسبنا الله ونعم الوكيل

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)