Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Police-ka Oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay Ka Dib Markii Uu Ka Biyo Diiday Hurinta Colaado U Dhaxeeyo Beelo Walaala Ah Oo Wada Dega Gobolka Mudug

0
719

Wararka Soomaaliya

Ilo wareedyo ay heshay wakaalada waraka Soomaaliyeed ee Warsom ayaa sheegayaa in Taliye ku xigeenka ciidamada Police-ka Soomaaliyed Gen. Saciid xil ka qaadis uu ku sameeya Madaxwene Shariifka Soomaaliya ka dib markii uu ka biyo diiday hurinta colaado u dhaxeeya beelo walaalo ah oo wada daga deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Taliye ku xigeenka ciidamada Police-ka ayaa la sheegay in Shariif uu ku amray inuu qaado hub kana mid noqdo dadka ka qeyb qaadanaya colaada beelaha u dhaxeysa

Warkaani aan ka soo xiganay ehalada Gen. Saciid ayaa intaa waxay ku darayaan in Maalmo ka hor la soo saarya wareegtada Xilka looga qaaday Taliye ku xigenka ciidamada Police-ka ee TFG-da

Dhanka kale waxaa jirta saraakiil kale oo loo diray hurinta dagaalo hor leh oo dhax mara Maamulada ay kala hogaamiyaan faroole iyo caalim waxaana saraakiisah deegaanadaasi loo diray ka mid sarkaal lagu magacaabo qooje oo ka tirsanaa Maxkamadihii Shariif bari u hogaamin jiray waxaana qooje iminka uu ku sugan yahay qeybo ka tirsan koonfurta Magaalada Gaal kacyo halkaas uu ka wado qas ka dhan ah Maamulka Faroole wuxuuna gubay mid ka mid ah gawaarida Puntland

Qooje ayaa halkaasi waxaa u diray Madaxweyne Shariifka Soomaaliya oo doonaya colaado hor leh o dhax mara Maaamulka Faroole iyo Kan Caalim waxaadna moodaa in hogaanka TFG-da ay ku farxayaan hasa yeeshee waxaa la ogaan doonaa halka ay ku dambeyso colaadaha laga hurinaya gobolka Mudug

 

Wararka Soomaaliya (Warsom.com)

Mogadishu Somalia

Webmaster: Max’ud Max’ed Daahir (Carab)

Mogadishu Office

+25-26-15514953/+25-2699-995641

(

 

info@warsom.com & webmaster@warsom.com)