Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu maanta soo saaray ugu magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho Maxamed Axmed Amiir, kaasoo badalaya guddoomiyahii hore ee gobolka iyo Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.
Guddoomiyaha cusub ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xilka qaadis ku sameeyay taliyahii Ururka 162-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab ee ka howlgala deegaanada Jubbaland Carab Dheeg Axmed.
Taliyaha cusub ee Ururka 162-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab ayaa loo magacaabay Caarif Hire Salaad, waxaana xusid mudan in xilka qaadista lagu sameeyay taliyahii hore...
Wararka aanu ka helayno Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in Maamulka Canfartu ay magdhaw ka bixiyeen dad Soomaali ah oo hadda ka hor lagu laayay gudaha degaanka Canfarta, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii fududeeyay arrintan.
Dadka ay Canfartu horey ugu dishay degaankooda ee maanta ay magdhowga ka bixisay...
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya ayaa kawada hadlay dadaalada loogu jiro sidii dalka looga Saari lahaa Al shabaab iyo dib u dhiska ciidanka Boliiska, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed.
Qoraalka kasoo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu...
Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa qaaday tobanaan duqaymo ah oo lagu bartilmaameedsaday xeryo ISIS ay ku leeyihiin bartamaha dalka Suuriya.
Duqeymahan ka dhanka ah horjoogayaasha, howl-wadeenada iyo xerooyinka Daacish, ayaa qeyb ka ah howlgalka looga hortago in kooxaha argagixisada ah ay fuliyaan howlgalo dibadda ah, isla markaana Daacish aysan dooneyn inay...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta darajooyin dalacsiin ah u xeray qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar kadib markii uu Dalacsiiyay Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamud.
Taliyaha Ciidanka Illaalinta Deegaanka Xamar Jeneraal Maxmed Cali Carabow ayaa ugu mahadceliyay Madaxweynaha...
Wasiirka wasaarada amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa sheegay in been abuur ay tahay eeda katimid dhinaca Dowladda Federaalka ee ah in laba duulimaad ay Kismaayo Sabtidii ka sameeysay Ethiopian Airlines ay ka dejisay hub.
Wasiir Dhuumaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Federaalka iyadoo aan...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u cambaareyay talaabooyin uu tilmaamay iney ka hor imaanayaan Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya oo ay Itoobiya ka wado gudaha dalka.
Wasiir Alcadaala ayaa sheegay iney si dhaw ula...
Ciidamo katirsanaa Jubbaland oo ku sugan degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa ku biiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sida laga sheegay kulan lagusoo bandhigay ciidamadan.
Taliyaha guutada 10aad, qeybteeda 43aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Baladxaawo oo ciidamada la hadlay ayaa u sheegay in maanta...
Somaliland ayaa sheegtay in talaabo laga qaadi doono cidkasta oo ku kacda fal nabadgalyda waxyeelaya, afxumada iyo abaabulka shirarka qabaa'ilka.
Warsaxaafadeed kasoo baxday Wasaarada Arrimaha Guddaha ayaa lagu yidhi "Waxaa la isla qaatay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado dadka ku baaqaya arrimaha nabadgalyo darroda ah, sharcigana la horkeeno qofkasta...


















