Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa kulanka ay yeelan doonaan inay xooga ku saari doonaan xoojibta xiriirka labada iyo iskaashiga...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil si  aad ah looga argagaxay oo maanta ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii nin dhalinyaro ahaa uu si arxandaro ah u dilay Xaaskiisii. Ninka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa Xaaskiisa ku dilay Tooreey oo...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar qabyo ah oo lagu dhisayo Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM). 15-ka xubnood ee golaha ayaa meel mariyay qaraarka qabyada ah oo UK ay hoggaamineyso, waxaana ogolaatay 14 cod, waxaana ka aamusay dowladda Mareykanka. AUSSOM waxay beddeli doontaa howlgalka...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo Caawa shir jaraa'id qabtay ayaa si adag uga hadlay askartii Shalay lagu dilay nawaaxiga deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Wasiirka ayaa balan qaaday in muddo 48 sacadood gudahood ah lagu soo qaban doono maleeshiyaadkii ka dambeeyey dilka...
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya xaaladda amni ee Soomaaliya iyagoo dhanka kalena ka doodi doona Howlgalka Cusub AUSSOM kaasi oo dalka ka bilaaban doona sanadka Cusub 2025. Golaha ayaa cod aqlabiyad leh u qaadi doona sida lagu dhisayo Howlgalka Cusub iyo sida uu u ekaanayo maadaama...
Saraakiisha Hay’adda Socdaalka ee ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa soo masaafuriyay sarkaal sare oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo ay sheegeen in uu geystay jirdil, argagixin iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Sarkaalkan oo 71-jir ah oo lagu magacaabo Yuusuf...
Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay falkii Shalay ka dhacay deegaanka Ceel baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee lagu dilay Askar ka tirsaneyd ciidanka xoogga dalka. Xildhibaan Cabdimaalik Cabdala oo ka hadlay falkaasi ayaa tilmaamay iney geysteen...
Maxkamadda sare ee Itoobiya laanteeda Diridhabe qeybta dambiyada culus ee Jigjiga ayaa xukuno adag ku riday xubno la sheegay inay kamid ahaayeen kooxda Al Shabaab, kuwaas oo sannadkii 2022ka laga qabtay degaannada ku yaal xuduudda ay Itoobiya la leedahay Soomaaliya. Xubanaha lagu eedeeyay inay kamid yihiin kooxda Al Shabaab ee...
Puntland ayaa diyaar garow xooggan ugu jirta  howlgal militari oo ay ku doonayso inay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari uga sifayso kooxda Daacish, oo si xooggan isugu fidisay degaanadaas. Kumanaan askari oo katirsan ciidamada Puntland, kuwaas oo ku hubaysan gaadiid dagaal iyo hub, ayaa lagu soo waramayaa inay haatan ku...
Wararka ka imaanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in Soomaalida ku nool magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas iney la kulmeen dhac iyo boob xoog leh oo loo geysatay goobahooda ganacsiga. Dhaca iyo boobka loo geystay xarumaha ganacsi ee Soomaalida ku nool dalkaas ayaa yimid kadib markii ay sii xoogeysteen banaanbaxyo rabshado wata...