Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo xalay qabsaday suuqa weyn ee degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Dabkaan ayaa dhammaan baabi'iyay goobaha ganacsiga ee uu ka kacay waxaana ku baaba'ay dhammaan hantida tiilay halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in Suuqa weynaa ee ay haysteen uu baabi'iyay...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa bartiisa X waxa uu ku beeniyay in Soomaaliya ay Itoobiya u ogolaatay marin biyood ay ku gaarayaan badda Cas, waxaana uu wasiirka carabka ku dhuftay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan sal iyo raadba lahayn.
Hadalka Wasiirka ayaa yimid saacado kadib markii...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Jiicbor ee Galbeedka gobolka Mudug.
Dagaalka ka dhacay deegaanka Jiicbor ayaa lasoo warinaya inuu sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hantiyadeed, kaasoo ka bilaawday muran xoogan oo ka dhashay dhul daaqsimeed halkaasi ku...
Cabdulqaadir idris oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Eritrea kala taliya Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin heshiiskii ay Dowladda Soomaaliya ay lagashay Dowladda Itoobiya.
Cabdulqaadir waxa uu shaaca ka qaaday in heshiiskii Ankara lagu saxiixay ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ay ku dhameeyeen...
Wararka ka imaanaya magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in saaka uu mar kale dagaal culus ka bilowday magaalada Dacawaley, dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida iyo dadka deegaanka.
Dagaalkan oo bilowday 6dii subaxnimo ee saaka ayaa waxa uu ka bilowday magaalada Dacawaley iyo...
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland waxa ay been abuur ku tilmaamtay eedeyn ay Hay'adda duulista Rayidka Soomaaliya ay ku sheegtay in Kismaayo lagu afduubtay diyaaradda Halla Airline 23-kii December 2024, waxaana ay wasaaraddu cadeeysay in Garoonka Kismaayo uusan ka dhicin wax amni...
Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga xumaatay eedeymo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku sheegtay in Ciidamada Itoobiya ay ku lug lahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay Magaalada Doolow.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Dowladda Itoobiya ayaa lagu sheegay in eedeymahan ay u muuqdaan kuwa...
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Danjire Mesganu Arga ayaa sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay in ay si buuxda u dhaqangeliso heshiiskii Ankara ka dib wadahadal ay la yeelatay wafdi ka socday Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Cali Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Wafdiga...
Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sidaasi ka sheegay magaalada Qaahira.
"Masar waxa ay go'aansatay in ay ka qayb-gasho howlgalkan iyadoo ku saleynaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqiinay Xasan Quuri, oo horay u soo noqday taliye ku xigeenka Saldhigyada Booliiska Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn...


















