Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Xildhibaanadaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxafadeed ay kaga soo horjeedaan boob ay sheegeen in lagu haayo dhulka danta guud ah ee ku yaala magaalada Muqdisho. Mudanayaashaan labada Aqal oo tiradoodu gaareyso ilaa 97 Xildhibaan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed uga digay in laga iibiyo...
Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamuud Aadan ayaa faah faahin guud ka bixiyay xilliga rasmiga ah ee la soo gaba gabeeynayo howlaha Shidaal sahminta Soomaaliya oo Maraakiibta Turkiga leeyahay ay ka wadaan Soomaaliya. Wuxuu sheegay Guddoomiyaha in qorshuhu yahay markii la gaaro Bisha April ee sanadkaan in la soo gaba...
Xafiiska Dembi-baarista dalka Maraykanka (FBI), ayaa raadineya shirkado gaar ah ama hay'ado si ay gacan uga geystaan hirgelinta ama maamulidda Nidaamka Aqoonsiga Biometric Automated (ABIS) ee Soomaaliya. Warkan ayaa lagu sheegay in FBI-du ay raadinayso iibiyayaal bixin kara adeegyo badan oo farsamo, sida saadka, iyo tababarada si ay u taageeraan...
Shirkii sadax geesoodka ee u dhaxeeyay Wasiirada arrimaha dibadda ee Dowladaha Masar, Soomaaliya iyo Eritrea kaa oo maanta ka dhacay magaalada Qaahira ayaa laga soo saaray war murtiyeed. Shirkaan oo hal maalin ahaa kaliya ayaa wasiirada waxa ay diirada ku saareen dardargelinta qodobadii kasoo baxay heshiiskii Dowladahaani ku dhex maray...
Ciidamada Booliiska Somaliland ayaa soo qabtay laba nin oo ku eedaysan inay hooyadood ku dileen deegaanka Habaaslay ee gobolka Togdheer, 23-kii December, 2024. Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Aamina Yuusuf Ismaaciil ayaa la sheegay inay midi ku dileen labo wiil oo ay dhashay, kadibna ay aaseen. Booliiska gobolka...
Taliska ciidanka Booliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdsho kusoo bandhigay 23 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ku eedeysan iney geysteen falal la xariira dil, dhaawac, kufsi iyo dhac dad weyne. 23-ka eedeysane oo midi haweeney tahay ayaa lagu soo qabqabtay howlgalo ciidamadu ka sameeyeen saacadahii...
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Xoosh ayaa si adag ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni inuu ku fashilmay hoggaaminta maamulkiisa. Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu muddo dheer indhaha ka qarsanayay halista dagaalka argigixisada, gaar ahaan Daacish taas oo sababtay in kooxda Daacish...
Guddoomiyaha xisbiga talada Somaliland haya ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iska difaacay eedo loo soo jeediyay oo sheegayay in uu Jabuuti kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamud. Xirsi ayaa sheegay in safar uu dhawaan ku tagay dalka Jabuuti aanu kula kulmin Madaxweyne Xasan Sheekh isla markaana hadii...
Dowladda Masar ayaa maalinta Sabtida ee berri martigelin doonta wada-hadallo saddex-geesood ah oo dhexmaraya Soomaaliya, Eritrea, iyo Masar si loo xoojiyo iskaashiga amniga iyo xiriirka gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen warbaahinta Masar. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa shir-guddoomin doona kulanka ay ka qeyb-geli doonaan wasiirrada...
Waraabe dad cun ah ayaa laba wiil ku dhaawacay deegaanka Dhagaxyo Caddo oo ka tirsan degmada Gaashaamo ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waraabaha ayaa dhaawacyo u gaystay wiil 16 jir ah oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Ismaaciil Xariir iyo wiil 14 jir ah oo isna lagu magacaabo Rooble Maxamed Xuseen, sida...