Thursday, May 14, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Mid kamid kamid ah kooxdii qabsatay markabkii kalluumaysi ee laga lahaa dalka Shiinaha ee maalmo ka hor lasii daayay, ayaa iska fogeeyay inay yihiin Burcad badeed. “Ma nihin budhcad-badeed, ma nihin dambiilayaal. Waxaan nahay bulsho go’doonsan,” ayuu yiri Liibaan, oo Aljazeera khadka taleefoonka kula hadlayay xilli uu saarnaa dusha sare...
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa ka falceliyay Shirkii jaraa'id ay sida wadajirka ah ay shalay Magaalada Muqdisho ugu qbateen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo Prof. Cabdi Ismaacil Samatar oo kamid ah senatorada aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,...
Hay’adda caalamiga ah ee badaha ayaa ku boorisay hawl-wadeennada maraakiibta shisheeye inay feejignaadaan marka ay isaga kala gooshayaan xeebaha Soomaaliya iyo gacanka cadmeed, iyagoo sheegay in budhcad-badeednimadu ay weli tahay khatar. Xafiiska Rugta Ganacsiga Caalamiga ah ee Badaha Caalamiga ah (IMB) ayaa warbixintii sannadlaha ahayd ee ugu dambaysay ku sheegtay...
Taliyaha Qaybta 4-aad ee howlgalka cusub AUSSOM Gaashaanle Sare Said Waberi iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa ku kulmay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan iyagoo kawada hadlay dagaalka lagula jiro Kooxaha Argagexisada. Kulankoodi intii uu socday waxa ay soo hadal qaadeen dhisidda Xarumaha Wadajirka ah ee...
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu bogaadiyay hawlgalo  muddooyinkii dambe ciidamada Daraawiishta maamulka Puntland ka wadeen dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kaasoo ay kula dagaalamayaan kooxda Daacish. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney ka go’an tahay dhiiragalinta iyo garab istaaga in shacabka iyo maamulada dalka...
War saxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu faah faahiyay qaraxyo xalay laga maqlay Degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir, waxaana Booliska ay sheegeen in wixii la maqlay ay ahaayeen miinooyin been abuur ah. Booliska ayaa shaaca ka qaaday in  uu bulshada Soomaaliyeed iyo saxaafadda u caddeynayo in...
War kasoo baxay Madaxtooyada Jubalanad ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo si weyn u bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ka socda Puntland. Warkaan ayaa shaaca looga qaaday in Madaxweynaha Jubaland uu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in si mideysan loo wajaho dagaalka Argagixisada si dib...
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xal rasmi ah laga gaaray arrimihii ka taagnaa qunsuliyadaha Itoobiya ee ku yaalla Garowe iyo Hargeysa oo ay dowladda hadda ka hor amartay in la xiro. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay, in labada qunsuliyadood si toos ah loo hoos geeyo safaaradda Itoobiya ee  Muqdisho. Wasiir...
Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geysanayo dabka maalintii lixaad ka holcaya qeybo ka mid ah magaaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka. Kooxaha dab damiska ah ayaa wali si xoogan ula tacaalaya sidii ay u damin lahayeen dabka marba marka ka sambeysa sida aadka ah ugu sii faafaya...
Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedkii wadajirka ahaa ee 11-kii Bishaan laga soo saaray Magaalada Addis Ababa, ka dib wada hadalo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Danjire Mohamed El-Amine...