Dowladda Soomaaliya oo maanka ku haysa in mar kale suurtagal ay noqon karto in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kala bixi karo Soomaaliya ayaa kireysatay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC oo xiriir la leh madaxweyneTrump si looga hortago in Trump uu mar kale ciidamada Maraykanka ka soo saaro...
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa faahfaahin ka bixiyay kulamadii ay la yeesheen dhaqaatiirta iyo ururada Caafimaadka dalka, waxa uuna tilmaamay in is-afgarad buuxa ay ka gaareen hannaanka Cashuuraha iyo habraaca looga baahan yahay Cusbitaalada.
Tallaabadaan waxa ay timid kadib Shirar heerar kala duwan soo maray,...
Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay iska hor imaad barqanimadii maanta ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dilay laba nin oo hubeysnaa.
Booliiska Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in labada nin ay ka tirsanayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana...
Dowlada Ingiriiska ayaa ku baaqday in laga shaqeeyo sidii nabad waarta ay uga dhex dhalan lahayd Somaliland iyo SSC Khaatumo.
Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo la kulmay guddida nabada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cirro, ayaa soo jeediyay talooyin lagu heli karo nabad waarta.
"Waxan la kulmay guddida nabada...
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo wareysi siinayay Tv ga Qaranka Soomaaliya ayaa ka dhawaajiyay inay asteeyeen ilaa 800 oo goobood ay doonayaan inay ka qabtaan Bisha June ee soo socota Doorashooyinka Golaha Degaanka, waxaana carabka uu ku dhuftay inta ugu badan Madaxda Dowlad...
Puntland ayaa shacabka degaannadeeda ka mamnuucday inay dhibaato u geystaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan Puntland.
Wasiirka Warfaafinta, Maxamuud Caydiid Dirir, oo la hadlayay weriyayaasha, ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay inay maamulka iyo ciidamada amniga uga dambeeyaan howlgallada ka dhan ka ah ajaanibta si sharci darrada ah...
Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa kusoo waramaya in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee Jubbaland u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Jubbaland isla markaana loo heysta la shaqeynta Kooxda Al-Shabaab.
Gudoomiyaha Maxkamadda Gaashaanle...
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay deegaano hoostaga degmooyinka Buula Burte iyo Halgan ee gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo ahaa mid u dhaxeeyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo iskaashanaya iyo kooxda Al-shabaab ayaa xoogiisa ka dhacay deegaanka Beera yabaal oo hoostaga degmada...
Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa magaalada Garowe ka sameeyay howlgallo ballaaran oo lagu beegsanayo muhaajiriinta sharci darrada ah, gaar ahaan dadka u badan qowmiyadda Itoobiyaanka, kadib markii maamulka Puntland uu soo saaray amar mamnuucaya dadka aan sharciyeysneyn inay joogaan Puntland.
Howlgallada hadda socda ayaa keenay in boqolaal muhaajiriin ah oo...
Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaran ee Soomaaliya (NIRA) oo dhowaan daah-furtay daabacaadda Kaarka Aqoonsiga Soomaaliya, ayaa ka hadashay hadal hayn badan oo Bulshada dhexdeedi dood ka dhex dhalisay kaa oo ku saabsan in Kaarkaan uu noqon doono Mid ay Dowladda Soomaaliya u adeegsan doonto doorashada Qof iyo Codka ah.
Maareeyaha...


















